Ku Saabsan Quit Partner > Su’aalaha Badanaa La Isweydiiyo

Su'aalaha Badanaa la isweydiiyo ee Quit Partner

Wax dheeraad ah ka baro Quit Partner adigoo sahaminaya jawaabaha qaar ka mid ah su'aalaha inta badan nala weydiiyo. Ka bilow adigoo ka dooranaya liiska mawduucyada hoos ku yaala.

Haddii aadan helin jawaabaha aad raadineyso, fadlan naga soo wac lambarka 1-888-QUIT-NOW (784-8669), 24 saacadood maalintii / toddobada maalmood ee usbuuca.

Guudmarka Quit Partner

Quit Partner waa baarnaamijyo koox ah oo loogu talagalay in la iskaga daayo tubaakada oo ganacsi ah ee Minnesota, kuwaas oo baxsha adeegyo tubaako joojin oo bilaash ah oo ka taageera dadka deggan Minnesota ee isticmaala nooc kasta oo tubaako ah, oo ay ku jiraan sigaarka, faybinka, iyo tubaakada la calaashto.

Quit Partner wuxu baxshaa qaabab iyo keyd kheyraad fara badan oo ka caawinaya dadka Minnesota inay joojiyaan tubaakada iyo inay helaan habka ugu habboon ee ay tubaakada u joojin karaan.

Taageerada bilaashka ah waxa ka mid ah tababar taleefanka ama khadka ah; barnaamij lagu bixiniyo farriimo qoraal iyo dhanka websaydka; iyo daaweyn joojineed (bashqad ama xanjo nikatiin ah) oo lagu keenayo boosto ahaan.

Quit Partner wuxu sidoo kale barnaamijyo khaas ah siiyaa dadka la nool cudurada maskaxda ama qabatimay waxyaabaha maandooriyaha, bulshooyinka Hindida Maraykanka (American Indian Quitline), dumarka uurka leh iyo kuwa dhowaan umulay, iyo dhalinyarada ka yar da'da 18 (My Life, My Quit™).

The American Indian Quitline iyo My Life, My Quit™ waxa la helayaa iyada oo aan loo eegayn xaaladda caymis ee qofka. Barnaamijka caadiga ah, barnaamijka caafimaadka dabeecadda, iyo barnaamijka uurka/umusha ka dib waxa helaya dadka reer Minnesota ee bilaa caymiska ah iyo kuwa caymiska dhiman.

Dhammaan dadka deggan Minnesota waxay wici karaan 1-800-QUIT-NOW (784-8669), waxana loo tilmaami doonaa barnaamijka ku habboon, ha noqoto mid ay ka heli doonaan Quit Partner ama caymis caafimaad oo kale.

Quit Partner waxa maamula Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, Adeegyada Quitline waxa iyana bixiya National Jewish Health, oo ah isbitaalka neefmareenka ee ugu weyn uguna horreeya waddanka, iyo sidoo kale mid ka mid ah bixiyaha aan faaido doonka ahayn ee adeegyada joojinta tubaakada.

Quit Partner waxa la daahfuray Abriil 1 2020, wuxuna in ka badan 18,000 oo reer Minnesota ah ka taageeray dedaaladooda joojinta tubaakada. Taageerada bilaashka ah ee iska-joojinta tubaakada waxay hore dadka Minnesota u siin jiray QUITPLAN Services, oo xirmay horraantii 2020.

Su'aalaha Alaaba La Iska Waydiiyo Quit Partner

Waa maxay taagerada la heli karo?

Waxa taageero loo hayaa dadka isku dayaya inay iska daayaan isticmaalka waxyaabaha tubaakada laga ganacsado, oo ay ka mid yihiin (in kastoo aan ku koobnayn) sigaarka, faybinka, iyo buuriga. Taageerada bilaashka ah waxa ka mid ah tababar taleefanka ama khadka ah; taageero iimayl iyo farriin qoraal ah lagu baxsho, iyo daaweyn joojineed (bashqad ama xanjo nikatiin ah) oo lagu keenayo boosto ahaan. Barnaamijyo khaas ah ayaa loo hayaa dumarka uurka leh iyo kuwa umulay dhowaan, dadka la nool cudurada maskaxda iyo/ama kuwa qaba cudurada qabatinka maandooriyayaasha, bulshada Hindida Marakykanka, iyo dhalinyarada.

Waa maxay saacadaha shaqada?

Tababarka iyo hagitaanka taleefanku waxa la helayaa 7-da beri ee usbuuca, 24-ka saacadood ee maalinta halkan 1-800-QUIT-NOW

Wada-sheekaysiga dhanka khadka waxa la helaa Isniin - Jimce laga bilaa 8-da subaxnimo illaa 10-ka habeenimo iyo Sabti-Axadda 10-ka Subaxnimo – 8-da habeenimo.

Xasuusnoow: Waanu xiranahay maalmaha Kirismaska iyo Mahadnaqa (Thanksgiving). Saacadaha shaqadu intii hore way ka gaaban yihiin (8 subaxnimo – 6:30 galabnimo ee central time) Maalinta Xuska, Maalinta Xoriyadda, Maalinta Shaqaalaha, Maalinta ka dambeysa Mahadnaqa iyo habeenka Kisirmaska ka hor (Christmas Eve).

Muddo intee in le'eg ayay qaadan doontaa in la helo daaweynta beddelka ah ee nikotiin (NRT)?

Celcelis ahaan, ka qaybqaatayaasha barnaamijku waxay NRT ku helaan muddo 2-3 maalmo shaqeed ah ka dib markay codsadaan.

Maxay dadku ka dhex heli doonaan is-diiwaangelinta websaydka dhexdiisa?

Waxyaabaha lagu dhex bixiyo websaydka waxay la mid yihiin kuwa taleefanka. Dadku waxay websaydka ka heli karaan daaweynta beddelka ah ee nikotiin (NRT), la talin iyo keyd macluuumaad, waxayna dooran karaan farriimo qoraal ah in loogu diro ama iimayl.

Muddo in le'eg ayay caadiyan taleefanadu qaataan?

Celcelis ahaan, 15 daqiiqo marka la is diiwaangelinayo iyo 10-15 daqiiqo wicitaan kasta oo la talin iyo tababar ah.

Waa kuwee tababarayaasha ama joojintu?

Dhammaan tababarayaashu waxay haystaan shahaadada koobaad ee jaamacadda oo ay badanaa ka qaateen cilmi-nafsiga, shaqada bulshada ama meelaha kale ee adeegga bulshada. Tababarayaashu waxay soo qaataan tababar ay soo ansixiyeen Golaha Barnaamijyada Tababarka Daaweynta Tubaakada waana Takhasusleyaal dhanka Daaweynta Tubaakada ah.

Sidee bay xirfadlayaasha caafimaadka iyo ururada bulshadu qof ugu soo gudbin karaan Quit Partner?

Qof kasta oo dadka kala taliya ama ka daaweeya waxay qof u soo gudbin karaan adeegyada Quit Partner. Dadkan waxa ka mid ah xirfadleyaasha sida bixiyayaasha daryeelka caafimaadka, kalkaalisooyinka dugsiyada, la taliyayaasha iyo culimada diinta. Way fududahay inaad macluumaadka qofka websayd ama faakis ahaan u soo gudbiso, oo ka dib markaad soo gudbiso, Quit Partner ayaa kugula soo xiriiri doonaa 24 saacadood gudahood. Dadkan waxa ka mid ah xirfadleyaasha sida bixiyayaasha daryeelka caafimaadka, kalkaalisooyinka dugsiyada, la taliyayaasha iyo culimada diinta. Way fududahay in lagu soo gudbiyo websayd ama faakis ahaan. Markaad soo gudbiso qof, Quit Partner ayaa kugula soo xiriiri doona 24 saacadood gudahooda.

American Indian (AI) Quitline

Waa maxay taageerada la heli doono American Indian (AI) Quitline?

Ka qaybqaatayaasha Hindida Maraykanka/Dhaladka Alaska waxay isqori karaan AI Quitline oo heli doonaan illaa 10 kulan wicitaan oo ay si khaas ah ula qaadanayaan Tababaraha Joojinta Tubaakada ee Hindidada Maraykanka iyo 12 todobaad oo NRT iskudhafan ah (xanjo/bashqad ama losenge). Ashqaastu waxay is qori karaan laba jeer 12-kii biloodba mar. Dadku waxay sidoo kale isqori karaan adeegyada kala ee la baxsho sida iimaylka ama qoraalka.

Tababarayaasha American Indian Quitline qudhoodu ma yihiin Hindi Maraykan?

Haa, dhammaan tababarayaasha American Indian Quitline waa ee barnaamijka cusubi waa Hindi Maraykan.

Ma jiraa taleefan lambar iyo websayd u gaar ah American Indian Quitline?

Haa, taleefan lambarku waa 1-833-9AI-QUIT (1-833-924-7848) websaydkuna waa aiquit.com Hase ahaatee, macluumaad iyo linkiyo ku geynaya American Indian Quitline ayaa laga helayaa QuitPartnerMN.com

Barnaamij Cusub oo loo hayo Dhalinyarada Minnesota: My Life My Quit

Waa maxay taagerada ay dhalinyaradu ka heli karaan barnaamijka My Life, My Quit ™?

My Life, My Quit™ wuxu bixiyaa illaa 5 kulan tababariseed oo farriimo qoraala ah, wada-sheekaysi dhanka khadka ah, iyo wicitaano taleefan, iyo sidoo kale casharo dhalinyarada u khaas ah.

Waa maxay da'da isticmaali karta barnaamijyada My Life, My Quit™?

My Life, My Quit™ waxa heli kara carruurta jirta da'da 13-17. Dukumeentiyo iyo keyd ayaa www.mylifemyquit.com ugu diyaar ah waalidiinta/masuuliyiinta, barayaasha, xirfadlayaasha caafimaad, iyo ururada bulshada ee u adeegaya dhalinyarada da' kasta.

Carruurta jirta da'da ka hooseysa 18 ma heli karaan daawada nikotiinta beddelka ah (NRT)?

Maya.

Waa maxay lambarka taleefanka ee My Life, My Quit™?

Taleefan lambarku waa 1-855-891-9989.

Waa maxay URL-ka websaydka ee My Life My Quit™?

URL-ku waa www.mylifemyquit.com.

Dhalinyaradu ma is diiwaangelin karaan idamka waalidka la'aantii?

Haa.

Dukumeentiyada iyo casharada dhalinyarada u khaaska ah ee loogu talagalay waalidiinta, bareyaasha iyo dadka kale ma heli karaan?

Haa booqo mylifemyquit.com oo guji 'Resources', ama booqo bogga Waaxda Caafimaadka Minnesota ee Sigaarka Casriga ah iyo Faybinka (https://www.health.mn.gov/ecigarettes).

Barnaamijka caafimaadka dabeecadda

Yaa loogu talagalay barnaamijka caafimaadka dabeecadda?

Barnaamijka waxa loogu talagalay dadka la nool xaaladaha caafimaad darrada dabeecadda sida walwalka, niyadjabka, degenaansho la'aanta, ADHD, PTSD, iskatsifiriiniyah, iyo/ama cudurada isticmaalka maandooriyayaasha.

Waa maxay taageerada lagu bixiyo barnaamijka caafimaadka dabeecadda?

Haddii qof isqoro barnaamijka caafimaadka dabeecadda, waxay heli karaan 7 wicitaan tababareed iyo sahay NRT 12 todobaad ah (baqshad/xanjo ama baqshad/loosangi). Ashqaastu waxay is qori karaan laba jeer 12-kii biloodba mar. Dadku waxay sidoo kale isqori karaan adeegyada kala ee la baxsho sida iimaylka ama adeegga qoraalka.

Sidee buu qof isu qorayaa?

Inta isqorista barnaamijka joojinta tubaakadu socoto, haddii qofku muujiyo inay rabaan inay ka qaybqaataan barnaamijka tababarka taleefanka oo ay qabaan xaalad caafimaad darro dabeecadeed, waxay ikhtiyaar u leeyihiin inay is qoraan barnaamijka tababarka taleefanka ee caafimaadka dabeecadda.

Ka warran haddii qofku qoran yahay barnaamijka caafimaadka dabeecadda ah oo kale - weli ma heli karaan daaweynta bedelka ah ee nikotiinta (NRT)?

Ashqaastu waxay weli heli doonaan baqshada bilowga ah ee NRT ee labada todobaad ah, laakiin si ay u helaan NRT dheeraad ah, waxay u baahan yihiin inay barnaamijka caafimaadka dabeecadda iska diiwaangeliyaan.

Barnaamijka uurka iyo ummusha ka dib

Waa maxay taageerada lagu baxsho barnaamijka uurka iyo ummusha ka dib?

Haddii qof is-diiwaangeliyo barnaamijka uurka iyo umusha ka dib ee tababarka taleefanka, waxay heli doonaan 9 wicitaan tababareed oo ay la yeelaan hal tababare dumar ah iyo 8 todobaad oo NRT ah (4 inta uurku socodo ah & 4 uurka ka dib ah; leh ogolaansho caafimaad). Dadku waxay sidoo kale isqori karaan adeegyada kala ee la baxsho sida iimaylka ama qoraalka.

Sidee buu qof isu qorayaa?

Inta isqorista barnaamijka joojinta tubaakadu socoto, haddii qofku muujiyo inay rabaan inay ka qaybqaataan barnaamijka tababarka taleefanka oo uu uur leeyahay ama dhowaan umulay, waxay ikhtiyaar u leeyihiin inay is qoraan barnaamijka tababarka taleefanka ee caafimaadka dabeecadda.

Wicista Quit Partner

Khadka TTY ee Quit Partner diyaar ma yahay?

Haa, waxa laga dhex helayaa 1-877-777-6534.

Yaa bixiya barnaamijyada Quit Partner?

MDH waxay National Jewish Health qandaraas u siisay dhammaan barnaamijyada joojinta.

Dadka wicitaanka ee qoran barnaamijka ma heli doonaan tababare isku mid ah markasta oo ay barnaamijka soo wacaan?

Dadka qoran American Indian Quitline waxay had iyo jeer tababarka ka heli doonaan qof Hindi Maraykan ah. Dadka qoran barnaamijka uurka/umusha ka dib waxa lagu lammaanin doonaa hal tababare dumara oo isku mid ah wicitaan kasta. Dadka kale barnaamijka qoran waxa laga yaabaa in aan lagu lammaanin tababar u gaar ah wicitaan kasta, laakiin waqtiga intiisa badan tababarayaashu waxay leeyihiin jadwal joogto ah, markaa waxa dhici karta fursad aad tababare hal tababare ku xirnaato.

Maxaa dhacaya haddii qof seego wicitaanka tababarka?

Marka qofku isqoro barnaaamij, waxa laguu qorsheyn doona wicitaanada tababarka joojinta tubaakada ee ay geli doonaan. Haddii qofka la heli waayo marka saddex jeer la isku soo dayo, ka qaybqaatuhu wuxu haystaa muddo 90 beri ah si uu dib u soo waco National Jewish Health oo u sii wato barnaamijkiisa. Haddii aanay sidaas sameyn, diiwaangelintoodu waa xirmeysaa. Ashqaastu waxay xaq u leeyihiin laba jeer inay isqoraan Quit Partner sannadkiiba.

Wicitaanada luuqado kale ma lagu heli karaa?

Haddii qofku rabo inuu isticmaalo Asian Smokers’ Quitline, oo ku baxa luuqadaha Kuuriyaanka, Kantoniiska, Mandariinka, ama Fiitnaamiiska, waa loo wareejin doonaa. National Jewish Health waxay isticmaalaan LanguageLine Solutions, oo tababarayaasha Quit Partner iyo dadka la tababarayo ku xirta turjumaan iyagoo isticmaalaya taleefan wicitaan saddex gees ah. LanguageLine waxay turjumitaan ku bixisaan in ka badan 200 oo luuqadood, oo ay ku jirto Hmong.

Qoraal u dirista Quit Partner

Sidee baan qoraal ugula xiriiraa Quit Partner?

Dadka deggan Minnesota ee da'doodu u dhexayso 13 iyo 24 waxay kelmadda “Start” qoraal ahaan ugu diri karaan 36072 si ay u helaan talooyin oo ula xiriiri karaan tababare toos ah si ay taageero u helaan - kuwaas oo dhammaan bilaash ah.

Waa maxay nooca taageerada qofku qoraal ahaan ku helo?

Da' yarta (13 illaa 17 jirrada) qoraal ahaan “Start” ugu dira 36072 waxa lagu xiri doonaa My Life, My Quit, oo ah barnaamij 100% bilaash iyo qarsoodi ah oo si khaas ah dhalinyarada loogu sameeyay. Marka dhalinyarada qaangaarka ah (18 illaa 24 jirrada) u diraan qoraal Quit Partner, waxay sidoo kale heli doonaan taageero toosa oo bilaash ah.

Haddii qof uu xiiseynayo mid ka mid ah barnaamijyada Quit Partners ee khaaska ah, sida the American Indian Quitline, the Quit Partner Pregnancy and Post-Partum Program ama Behavioral Health Program, waxay “Start” qoraal ahaan ugu diri karaan 36072 si ay jawaabo ugu helaan su'aalahooda. Markay intaas sameeyaan, tababaraha ayaa taleefan ahaan ugu xiri doona Quit Partner si ay wax badan u sii bartaan.

Taageerada Online ee Quit Partner

Waa maxay URL-ka wabsaydka Quit Partner?

URL-ku waa www.QuitPartnerMN.com

Waa maxay taagerada laga heli karo isqorista dhanka khadka ama websaydka?

Iyada oo aan loo eegayn in qofku isku qoray taleefan ama dhanka khadka, marwalba taageerada bilaashka ah ee aan bixino waa isku mid. Dadku waxay awoodi doonaan inay tababarada, daawooyinka joojinta tubaakada iyo macluumaadka ka heli karaan websaydka, oo waxay awood u lahaan doonaan inay doortaan barnaamijyada taageerada iimaylka ama farriinta qoraalka ah lagu baxsho. Dadka isku diiwaangeliya barnaamijka wabsaydka waxay sidoo kale geli karaan dhaashboor ay ku jiraan taageero iyo kheyraad dheeri ah.

Ka qaybqaatayaashu ma u baahan yihiin inay is-diiwaangeliyaan si ay u helaan macluumaadka joojinta tubaakada?

Qof kasta oo raba macluumaad dheeraad ah wuxu QuitPartnerMN.com ka soo fiirsan karaa talooyinka u diyaargarawga joojinta, sameynta qorshaha joojinta, xisaabinta keydadka, faa'iidooyinka caafimaad ee iska deynta tubaakada, talada ku saabsan isticmaalka baqshadaha, xanjada ama loosingaha nikotiinta iyo inay ka daalacdaan sheekooyinka guulaha. Markay diyaar u noqdaan taageero dheeraad ah oo iswadata, barnaamijka ayay soo wici karaan ama si fudud ayay dhanka khadka isaga diiwaangelin karaan.

Baahinta Iyo Sii Faafinta Quit Partner

Sidee baan u sii faafin karnaa Quit Partner?

Waxaanu kugu diirigelinaynaa inaad macluumaadka ku saabsan Quit Partner ku sii wadaagto websaydkaaga, baraha bulshada, jaraa'idada, dukumeentiyada iyo kanaalada kale. Booqo bogga Waxyaabaha lala soo degi karo si aad u hesho falaayaro, boositkaaro, iyo boostaro iyo qaabab dheeraad ah oo aad macluumaadka ku saabsan Quit Partner ku sii wadaagto.

Sidee baan Quit Partner loogu faafiyaa gobolka oo dhan?

MDH waxay ku tiirsan tahay wakiilada, deeq bixiyayaasha, iyo Safiirada Quit Partner ee guud ahaan gobolka si ay uga caawiyaan si faafinta barnaamijka iyo hubinta in taageeradu gaarto dadka si dheeri ah ay u saameysay tubaakada laga ganacsado. Quit Partner waxa lagu faafiyaa oo lagu xayaysiiyaa nidaamyada xayaysiinta lacagta lagu bixiyo ee gobolka oo dhan oo isku dhafan, sida baraha bulshada, meelaha wax laga raadiyo (search engines), waxyaabaha daabacan, boodhadhka tabeelayaasha, raadiyaha, talafeeshinka, iyo muuqalada. Intaas waxa dheer, Quit Partner waxa lagu faafiyaa oo lagu xayaysiiyaa nidaamyada xayaysiinta lacagta lagu bixiyo ee gobolka oo dhan oo isku dhafan, sida baraha bulshada, meelaha wax laga raadiyo (search engines), waxyaabaha daabacan, boodhadhka tabeelayaasha, raadiyaha, talafeeshinka, iyo muuqalada.

Quit Partner ma la mid baa QUITPLAN Services?

Maya. In kastoo adeegyadu isku mid yihiin, QUITPLAN Services wuxu ahaa barnaamij shaqada joojiyay horraantii 2020.

Waa maxay sababta QUITPLAN Services u xirmay?

QUITPLAN Services waxa maalgelin jiray ClearWay Minnesota, hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo madax bannaan oo loogu talagalay yaraynta waxyeelada tubaakada ganacsiga ah. Lacagihii lagu maalgeliyay ClearWay Minnesota waxay dhammaadeen 2021, sidaas darteed bay dhammaan barnaamijyadoodii u xirmeen. ClearWay Minnesota iyo MDH waxay si dhow u wada shaqeyn jireen muddadii kala wareega si loo hubiyo in dadka reer Minnesota ay had iyo jeer helaan barnaamij tubaako joojineed bilaash ah oo iswata.