Quit Partner (oo ah barnaamij ka tirsan Waaxda Caafimaadka ee Minnesota) wuxuu kaa codsanaya inaad siiso macluumaadka foomkan ku qoran si uu u uruuriyo sheekooyin uu u isticmaali karo inuu ku ogeysiiyo oo uu ku baro dadweynaha barnaamijyada Quit Partner iyo waxqabadyadooda iyo uu ku dhiirrigeliyo dadka kale inay sigaarka iska joojiyaan.
Sharci ahaan waajib kuguma aha inaad soo gudbiso wixii macluumaad ah ee lagaa codsaday waana diidi kartaa inaad sidaas sameyso. Cawaaqibta keliya ee ka imaanaya inaadan bixin macluumaadka waa in uusan Quit Partner awoodi doonin inuu wadaago sheekadaada. Khasab kuguma aha inaad soo gudbiso sheeko ama wixii macluumaad ee lagu codsaday foomkan si aad uhesho Adeegyada Quit Partner.
Sheekada, sawirka, magaca hore, iyo magaalada aad soo gudbiso waxaa loo diyaarin doonaa in si bulshad ahaan looga heli karo daabacaada Quit Partner ama bandhigyadiisa, oo laga yaabo in laga dhigo wax lagu heli karo online-ka ama lala wadaago warbaahinada guud ama wada-hawlgalayaasheena caafimaadka dadweynaha.
Quit Partner lama wadaagi doono cinwaanka imaylkaaga dadka aan ahayn kuwa hoos ku taxan, laakiinse laga yaabo inay u isticmaalaan cinwaanka imaylkaaga inay kaala soo xiriiraan macluumaad dheeraad ah owgeed.
Macluumaadka aad soo gudbiso waxaa sidoo kale loo sii dayn karaa sida soo socota:
- Ku socota shaqaalaha Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ama qandaraasleyaasha warbaahinta Quit Partner ee MDH oo ay shaqadoodu si macquul ah ugu baahato helida xogta;
- Iyada oo uu u baahdo amar maxkamadeed;
- Qof kasta ama hay'ad kasta aad adigu u oggolaatay inay helaan xogta;
- Qof kasta oo kale oo uu u oggolaaday sharciga gobolka ama federaalka inuu helo xogta.