
Dooro Habkaaga Iska Joojinta
Adiga ayaa Go’aanka leh
Qof walba wuxuu leeyahay hab u gaar ah ee iska joojinta. Haddii aad ku fakirayso inaad la hadasho tababare iska-joojinta ama ku fakirayso inaad isku daydo qalabyadeena waxtarka leh oo isku dar ah, sida aad isaga joojin laheed adiga ayaa dooran.
Ka Ogow Wax Sii badan Barnaamijyadeena Iswata
Barnaamij Iska Joojinta oo loogu talagalay Dhallinyarada Keliya
Noloshayda, Iska Joojintayda (My Life, My Quit™)
Haddii aad tahay dhallinyar ee ah da’da u dhaxaysa 13-17 oo aad rabto in lagaa caawiyo joojinta cabista sigaarka elektroniga, cabista sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada ganacsiga ah laga sameeyo, barnaamijkan gabi ahaan lacag la’aanta ah oo qarsoodiga ah ayaa adiga laguugu talagalay.
Khadka-Iska-Joojinta Hindida Mareykanka (American Indian Quitline)
Waxaa lagu sameeyey iyadoo laga helay hagis bulshada, American Indian Quitline waxay bixisaa taageerid gabi ahaan lacag la’aan ah oo si gaar ah loo sameeyey in ay ku caawiso adiga, ama qof aad taqaano, inaad iska joojisaan tubaakada ganacsiga ah. Markaad isdiiwaangeliso, waxaa lagula xiriirin tabarbare u heegan daaweynta tubaakada ee Hindida Maraykanka ah oo fahmaya dhaqamada daaweynta dhaqameed, isticmaalka tubaakada marka munaasabadaha, iyo caqabadaha gaarka ah ee iska joojinta ee ay la kulmayaan dadka ah Hindida Maraykanka ah.
Caawinaad loogu talagalay dadka la nool Jirro Maskaxeed ama Ubartay Maandooriye kale
Haddii aad la nooshahay cillada isticmaalka maandooriye ama jirro maskaxeed, sida walaacyo, PTSD ama cillada laba-cirifoodka (bipolar), waynu fahansanahay in joojinta nikotiinta ay noqon karto wax aad u dhib badan, sidaa darteed waxaan abuurnay taageerid adiga kuu gaar ah.
Caawinaad Haddii aad Uur Leedahay Ama Hadda aad Dhashay
Waan fahamsanahay in u-barashada nikotiinka uusan iska tagin kaliya sababtoo ah inaad uur leedahay ama aa tahay waalid cusub. Taageerideena xukun la’aanta ah waxay kaa caawini kartaa inaad iska joogiso adigoon ku darin walbahaarka haysashada ilmo yar.
Caawimaada Caafimaadka ama Daryeelka-Minnesota (MinnesotaCare)
Baro sida aad ku heli karto dawooyinka iska joojinta ee dhakhtarku qoro oo lacag la’aan ah adigoo la hadlaya dhakhtarkaaga.
Talo iyo Taageero
Baro dhowr siyaabood/hab oo aad u wanaagsan oo aad ku bilaawdo ama sii wado iska joojintaada.
Haddii aad Leedahay Caymis Caafimaad
Wac lambarka ku yaala kaarka qorshahaaga caafimaad si aad u ogaatid waxa ay tahay taageerida iska joojinta ay bixiyaan oo u hel caawimaad si degdeg ah.

“Markaan ahaa Sigaar-cabe, fikirradaydu waxay ku xirnaayeen sigaar-cabbista. Anigoo ah qof aan Sigaar-cabin, waxaan haystaa xornimo iyo inaan si waadix uga fikiro wax walba oo kale ee noloshayda oo aan jeclahay oo aan doonayo inaan dabagalo. Ma jiro wax ka qiimo badan iska joojinta sigaarka isla markiiba.”
Ben
Wadaag SheekadaadaDiyaar ma u tahay inaad bilowdo?
Isdiiwaangeli
Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.