Dooro Habkaaga Iska Joojinta

Adiga ayaa Go’aanka leh

Qof walba wuxuu leeyahay hab u gaar ah ee iska joojinta. Haddii aad ku fakirayso inaad la hadasho tababare iska-joojinta ama ku fakirayso inaad isku daydo qalabyadeena waxtarka leh oo isku dar ah, sida aad isaga joojin laheed adiga ayaa dooran.

header-quit_your_way-so

Iskaga Jooji Qalabyo Caawinaad oo Lacag La’aan ah

Isaga jooji sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada hab adiga kuu gaar ah adoo dooranaya qalabyada lacag la’aanta ah ee aad rabto inaad isku daydo.

Available for Ages 18 and up

Daawooyin Lacag La’aan ah

Isdiiwaangeli si aad u hesho sharootada (patches), xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka oo kugu filan labo usbuuc.

Available for Ages 13 and up

Farriimo Qoraal ah

Hel talooyin, xusuusinno iyo dhiirrigelin toos loogu soo dirayo taleefankaaga.

Available for Ages 13 and up

Imaylo

Hel imaylo joogto ah si ay kuu taageeraan inta aad iska joojineyso.

or-so
or-so

Iskaga Jooji Tababar Lacag La’aan ah

Kaga hel tababbar qof-iyo -qof ah taleefanka ama online-ka tababarayaal tababarsan oo caawiya dadka adigoo kale ah maalin kasta. Kaliya markaad is-qorto, waxaad awoodi doontaa inaad isticmaasho qalabyadaa lacag la’aanta ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabista, cabida sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.

coaching-home-so
Available for Ages 13 - 24

Tababar lagu sameenayo taleefanka, fariin qoraal ah ama khadka internet-ka.

Available for Ages 18 and up

Sharooto, xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka

Available for Ages 13 and up

Farriimaha qoraalka ah

Available for Ages 13 and up

Imaylo

Xirmo soo dhaweynta

Ka Ogow Wax Sii badan Barnaamijyadeena Iswata

advice-1 (1)

U Diyaar Garowga Iska Joojinta

Badanaa dadka isticmaala tubaakada ganacsiga waxay ka fikiraan iska joojinta mar uun. Ka fikirida waxa kugu dhiirigelinayo inaad iska joojiso waa talaabada ugu horeysa ee ugu weyn. Markaad ogaato sababta aad u rabto inaad iska joojiso, way fududaanaysaa inaad diirada saarto faa’iidooyinka.

advice-2 (1)

Wadida Iska Joojintaada

Miyaad dib ugu noqotay? Taasi waa ok. Waxay ku dhacdaa ku dhawaad qof walba. Waa kuwan qaar ka mid ah Tallooyinka kaa caawinaya dib-u-bilaabida ama sii wadida iska joojintaada marka ay sii wadidu adkaato.

more-mylife

Barnaamij Iska Joojinta oo loogu talagalay Dhallinyarada Keliya

Noloshayda, Iska Joojintayda (My Life, My Quit™)

Haddii aad tahay dhallinyar ee ah da’da u dhaxaysa 13-17 oo aad rabto in lagaa caawiyo joojinta cabista sigaarka elektroniga, cabista sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada ganacsiga ah laga sameeyo, barnaamijkan gabi ahaan lacag la’aanta ah oo qarsoodiga ah ayaa adiga laguugu talagalay.

more-ai

Khadka-Iska-Joojinta Hindida Mareykanka (American Indian Quitline)

Waxaa lagu sameeyey iyadoo laga helay hagis bulshada, American Indian Quitline waxay bixisaa taageerid gabi ahaan lacag la’aan ah oo si gaar ah loo sameeyey in ay ku caawiso adiga, ama qof aad taqaano, inaad iska joojisaan tubaakada ganacsiga.

more-mental

Caawinaad loogu talagalay dadka la nool Jirro Maskaxeed ama Ubartay Maandooriye kale

Haddii aad la nooshahay cilladda isticmaalka maandooriye ama jirro maskaxeed, sida walaacyo, PTSD ama cillada dhimirka ee laba-cirifoodka (Bipolar), waan fahansanahay in joojinta nikotiinta ay noqon karto wax aad u dhib badan, sidaa darteed waxaan abuurnay taageero adiga kuu gaar ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.

more-pregnant

Caawinaad Haddii aad Uur Leedahay

Waan fahamsanahay in u-barashada nikotiinka uusan iska tagin kaliya sababtoo ah inaad uur leedahay. Taageerideena oo aan xukun lahay waxay kaa caawini kartaa inaad iska joogiso adigoon ku darin walbahaarka haysashada ilmo yar.

Caawimaada
Caafimaadka ama
Daryeelka-Minnesota
(MinnesotaCare)

Baro sida aad ku heli karto dawooyinka iska joojinta ee dhakhtarku qoro oo lacag la’aan ah adigoo la hadlaya dhakhtarkaaga.

Talooyin iyo Taageer

Baro dhowr siyaabood/hab oo aad u wanaagsan oo aad ku bilaawdo ama sii wado iska joojintaada.

Haddii aad Leedahay
Caymis Caafimaad

Wac lambarka ku yaala kaarka qorshahaaga caafimaad si aad u ogaatid waxa ay tahay taageerida iska joojinta ay bixiyaan oo u hel caawimaad si degdeg ah.

“Markaan ahaa Sigaar-cabe, fikirradaydu waxay ku xirnaayeen sigaar-cabbista. Anigoo ah qof aan Sigaar-cabin, waxaan haystaa xornimo iyo inaan si waadix uga fikiro wax walba oo kale ee noloshayda oo aan jeclahay oo aan doonayo inaan dabagalo. Ma jiro wax ka qiimo badan iska joojinta sigaarka isla markiiba.”

Ben

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Ama wac: 1-855-DEJELO-YA (335-3569) si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka:36072*

*Da'aha 13-24 jir