100% Lacag La’aan,
100% Si Qarsoodi ah

Noloshayda, Iska Joojintayda (My Life, My Quit™)

Haddii aad tahay dhallinyar ah da’da u dhaxaysa 13-17 oo aad rabto in lagaa caawiyo joojinta cabista sigaarka elektroniga, cabista sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada ganacsiga ah laga sameeyo, barnaamijkan ah gabi ahaan lacag la’aanta ah oo qarsoodi ah ayaa adiga laguugu talagalay. La hadal ama qoraal u qor tababarayaasha oo hel ilo kale oo ku caawiya marka aad diyaar u tahay inaad iska joojiso nikotiinka. Laga bilaabo isbarida sida loo dhaho “maya” ilaa iyo talooyin loogu talagalay maareynta walaaca/culeyska/istereska iyo ku dayashada asxaabta, waan ku caawini karnaa. Miyaad ka walwalaysaa inuu kordho miisaankaaga ama walaac dheeraad ah? Tababarayaasheena ayaa ku dhaafin kara meelaha dhibka ah. Miyaad leedahay saaxiib la dhibtoonaya sigaar cabista ama cabsita sigaarka elektrooniga ah? Ogeysii in aan halkan u joogno si aan u caawinno.

header-mlmq

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Ama wac: 1-855-DEJELO-YA (335-3569) si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka:36072*

*Da'aha 13-24 jir