Ku Labo Jibaaro Fursadahaaga Iska Joojinta Taageerid Lacag La’aan Ah
Wac 1-800-784-8669 si aad
isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Caawinaad Lacag La’aan ah Si Aad Isaga Joojiso Habkaaga
Quit Partner waa habka lacag la’aan ah ee Minnesota looga joojiyo nikotiin-ka, oo ay ka mid yihiin sigaar cabista, cabista sigaarka elektroniga ah iyo tubaako calaajinta. Waxaan kugu taageeri karnaa joojintaada tababar ah qof-iyo- qof iyo qalabyo kale oo waxtar leh. Mar walba oo aad noo baahatid, waxaan halkan u joognaa inaan ku caawinno 24/7.
Iskaga Jooji Qalabyo Caawinaad oo Lacag La’aan ah
Isaga jooji sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada hab adiga kuu gaar ah adoo dooranaya qalabyada lacag la’aanta ah ee aad rabto inaad isku daydo.
Daawooyin Lacag La’aan ah
Isdiiwaangeli si aad u hesho sharootada (patches), xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka oo kugu filan labo usbuuc.
Farriimo Qoraal ah
Hel talooyin, xusuusinno iyo dhiirrigelin toos loogu soo dirayo taleefankaaga.
Imaylo
Hel imaylo joogto ah si ay kuu taageeraan inta aad iska joojineyso.
Iskaga Jooji Tababar Lacag La’aan ah
Kaga hel tababbar qof-iyo -qof ah taleefanka ama online-ka tababarayaal tababarsan oo caawiya dadka adigoo kale ah maalin kasta. Kaliya markaad is-qorto, waxaad awoodi doontaa inaad isticmaasho qalabyadaa lacag la’aanta ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabista, cabida sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.
Tababar lagu sameenayo taleefanka, fariin qoraal ah ama khadka internet-ka.
Sharooto, xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka
Farriimaha qoraalka ah
Imaylo
Xirmo soo dhaweynta
Ka Ogow Wax Sii badan Barnaamijyadeena Iswata
Barnaamij Iska Joojinta oo loogu talagalay Dhallinyarada Keliya
Noloshayda, Iska Joojintayda (My Life, My Quit™)
Haddii aad tahay dhallinyar ee ah da’da u dhaxaysa 13-17 oo aad rabto in lagaa caawiyo joojinta cabista sigaarka elektroniga, cabista sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada ganacsiga ah laga sameeyo, barnaamijkan gabi ahaan lacag la’aanta ah oo qarsoodiga ah ayaa adiga laguugu talagalay.
Khadka-Iska-Joojinta Hindida Mareykanka (American Indian Quitline)
Waxaa lagu sameeyey iyadoo laga helay hagis bulshada, American Indian Quitline waxay bixisaa taageerid gabi ahaan lacag la’aan ah oo si gaar ah loo sameeyey in ay ku caawiso adiga, ama qof aad taqaano, inaad iska joojisaan tubaakada ganacsiga.
Caawinaad loogu talagalay dadka la nool Jirro Maskaxeed ama Ubartay Maandooriye kale
Haddii aad la nooshahay cilladda isticmaalka maandooriye ama jirro maskaxeed, sida walaacyo, PTSD ama cillada dhimirka ee laba-cirifoodka (Bipolar), waan fahansanahay in joojinta nikotiinta ay noqon karto wax aad u dhib badan, sidaa darteed waxaan abuurnay taageero adiga kuu gaar ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.
Caawinaad Haddii aad Uur Leedahay
Waan fahamsanahay in u-barashada nikotiinka uusan iska tagin kaliya sababtoo ah inaad uur leedahay. Taageerideena oo aan xukun lahay waxay kaa caawini kartaa inaad iska joogiso adigoon ku darin walbahaarka haysashada ilmo yar.
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?
Ama wac: 1-855-DEJELO-YA (335-3569) si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka:36072*
*Da'aha 13-24 jir