Talooyin iyo Taageer > U Dabaaldeg Guulaha

U Dabaaldegidda Guuleysiga

Ka guuleysiga nikotiinka waa wax aad u weyn—sida, Wayni ah sida guusha banaan u baxa wadada. Taasi waa sababta aan u wadaageyno sheekooyinkan. Sheeko walba waa sida u dabaaldegid guul banaan u bax u gaarka ah ee guusha qof adiga oo kale ah. Sidaa darteed marka sii wadida iska joojintaadu ay adkaato, eeg mid ka mid ah sheekooyinkaa si aad u hesho dhiirrigelin dheeraad ah.

“Waxaan iska joojiyay sigaar cabista waxaana bilaabay inaan haysto koob qaxwo ah ama dhalo biyo ah baddelkeeda. Waxaan bilaabay inaan dareemo fiicnaan isla markiiba, way ii fududaatay inaan kor u fuulo jaranjarada oo aan dhammaysto fasaladayda jimicsiga, taas ayaa ii fududaysay inaan sii wado!”

Michelle

“Aniga iyo seygayga waan isla joojinay, oo markii uu dib u bilaabayna annigana waan bilaabay. Laakiinse waxaan sii wadnay isku dayida inaan joojino mar labaad, markan waan ku guuleysanay. Noloshaydu aad bay u walwal/isteres yaraatay hadda sababtuna keliya tahay inaanan cabin sigaar. Waxaan u dareemayaa firfircooni dheeraad ah sida aan u dareemay 25 sano ka hor.”

Mary Jo

“Markaan ahaa Sigaar-cabe, fikirradaydu waxay ku xirnaayeen sigaar-cabbista. Anigoo ah qof aan Sigaar-cabin, waxaan haystaa xornimo iyo inaan si waadix uga fikiro wax walba oo kale ee noloshayda oo aan jeclahay oo aan doonayo inaan dabagalo. Ma jiro wax ka qiimo badan iska joojinta sigaarka isla markiiba.”

Ben

Ma Heysaa Sheeko Iska Joojin oo adiga kuu Gaar ah? Wadaag!

Qaado guuleysiga oo u dabaaldeg guushaada ka guuleysiga nikotiinka adigoo wadaagaya sheekadaada. Faa’iido dheeraad ah? Waa hab fiican oo lagu dhiirigeliyo dadka kale ee isku dayaya inay iska joojiyaan.

Wadaag Sheekadaada

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Isdiiwaangeli (opens new window)

Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*

*Da'aha 13-24 jir