Xirfadlayaasha > Xirfadleyaasha Daryeelka Caafimaadka

Waad Awoodaa inaad Caawiso. Anagana Sidoo Kale Waan Awoodnaa.

Waxaad ka ciyaareysaa door muhiim ah taageerida waddada uu qaadayo bukaankaaga illaa iyo ku guuleysiga iska joojinta tubaakada. Waxaan sidoo kale halkan u joognaa inaan ku caawino. Marka koowaad, waxaan bixinaa qaab fudud oo loogu soo gudbiyo bukaanadaada taageerideena ee iska joojinta lacag la’aanta ah. Marka labaad, waxaan kaa caawin karnaa inaad wax kudarno aqoontaada asaasiga ah ee aad u leedahay tubaakada ganacsiga iyo iska joojinta oo ay la socoto, barasho online-ka ah oo habboon oo la aqoonsan yahay oo lacag la’aan ah.

Laba Siyaabood oo Fudud oo Loogu soo Gudbiyo Bukaanada

Soo gudbinta bukaanada waxay kaliya qaadanaysaa daqiiqado yar iyadoo la isticmaalayo tixraacyada internetka ama fakiska. Nooc walba oo xirfadle daryeel caafimaad ah (tusaale ahaan, dhakhtar, kalkaaliye caafimaad oo diiwaangashan, dhakhtarka ilkaha, Terabist/daaweeye, farmashiiste, iwm) ayaa soo gudbin kara. Anagaa sameyn doonaa inta kale, la xiriirayna bukaankaaga 24 saacadood gudahood. Bukaanada uma baahna inay lahaadaan caymis caafimaad si loo soo gudbiyo.

Bixiyayaasha soo gudbinaya bukaanada leh xaalad caafimaad oo laga yaabo inay dhibto isticmaalka daaweynta beddelka nikotiinka, fadlan isticmaal foomka soo gudbinta ee fakiska ah.

Samee Soo Gudbin Web-ka ah (opens new window)

Hel Foomka Soo Gudbinta ee Fakiska ah (opens new window)

Sida Aad u Taageerayso Bukaankaaga

Iyadoo go'aanka joojintu ikhtiyaari yahay, haddana waxaad qaadi kartaa tallaabooyin aad ku horumarinayso baarista, daawaynta iyo gudbinta isticmaalka tubaakada ee ganacsiyeed. Ogeysii bukaanada sida aad uga waalacsan tahay sida isticmaalkooda tubaakada ee ganacsiyeed u saameynayso caafimaadkooda hadda iyo ka muddada dheerba oo la wadaag sida barnaamijka w Quit Partner ee bilaashka ahi uga caawi karo qaadista tallaabada xigta. Haddii ay diyaar u yihiin inay bilaabin, gudbi. Gal nidaamkeena kaydka isbeddelka caafimaad si lagaaga caawiyo bilaabista.

Khayraadka Mihnadlayaasha Caafimaadka (opens new window)

Dhibco Waxbarasho ee CE oo Habboon oo Lacag La’aan ah oo laga qaadan Quit Partner

La habeeyay iyadoo maskaxda lagu hayo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ee mashquulka ah, mid kasta oo ah koorso dijitaal ah ee ah 15-daqiiqadood iyo 30-daqiiqadood oo hawlgalin leh wuxuu ka hadlayaa su'aalaha inta badan la weydiiyo marka la joogo goob caafimaad ee ku saabsan tubaakada ganacsiga. Laga bilaabo bixinta waxkaqabad gaaban iyo u gudbinta bukaanka Quit Partner illaa iyo waxa cusub oo ku saabsan sigaarka elektrooniga iyo sida tubaakada ganacsiga ah ay si gaar ah u saameynayso dad gaar ah oo ku nool Minnesota gudaheeda, koorsooyinkan/casharadan lacag la’aanta ah waa hab dhakhso ah oo sahlan si lagu helo dhibcaha waxbarasho oo soconaya oo ka hadlaya mawduuc wakhtigiisu habboon yahay.

Sahmi Tababarada Lacag La’aanta ah (opens new window)

COVID-19 iyo Tubaakada Ganacsiga

Dadka sigaarka caba ama caba sigaarka elektroniga ah waxay yeelan karaan halis sare oo ah inay dhibaatooyin daran ka qaadaan COVID-19. Ogeysii bukaanadaada in iska joojinta sigaarka ay ku hagaajiso caafimaadka sambabada ugu yaraan laba toddobaad gudahood. Haddii ay diyaar u yihiin inay iska joojiyaan, waxaan u joognaa inaan caawinno.

Eeg Cilmi-Baaristii Ugu Dambeeyay (opens new window)