
Caawi Dad badan inay iska Joojiyaan
Caawi Joojinta La-Qabsashada Nikotiinka
Hel habab badan aad uga ciyaarto door firfircoon ka caawinta dadka inay iska joojiyaan sigaar cabista, cabista sigaarka elektrooniga iyo isticmaalka walxaha kale ee tubaakada ganacsiga.
Fayo-qabka waa Faa'iido Shaqaale oo Weyn
Laga bilaabo dhibaatada neefsashada illaa iyo xaaladaha caafimaad ee aadka u sii daran, isticmaalka tubaakada wuxuu saameyn ku yeelan kara caafimaadka shaqaalaha, wax soo saarkooda iyo waxqabadkooda. Barnaamijkeena lacag la’aanta ah, ee aan xukunka lahayn waa hab aad u wanaagsan oo looga caawiyo inay ka baxaan la qabsasahada si kama dambeys ah.
Ku Dar Iska Joojinta Qorshaha Casharka
Dhallinyarada waxay la kulmaan cadaadis nooc kasta leh—oo ka imanaya waalidiinta, saaxiibbada iyo warbaahinta bulshada—oo laga yaabo inay cabaan sigaarka elektrooniga ama cabaan sigaar si ay u la tacaalaan istereska. La kulan ardaydaada meesha ay ku sugan yihiin, oo waxaad siisaa ilo ku caawiya inay iska joojiyaan marka ay diyaar u yihiin.

“Aniga iyo seygayga waan isla joojinay, oo markii uu dib u bilaabayna annigana waan bilaabay. Laakiinse waxaan sii wadnay isku dayida inaan joojino mar labaad, markan waan ku guuleysanay. Noloshaydu aad bay u walwal/isteres yaraatay hadda sababtuna keliya tahay inaanan cabin sigaar. Waxaan u dareemayaa firfircooni dheeraad ah sida aan u dareemay 25 sano ka hor.”
Mary Jo
Wadaag SheekadaadaDiyaar ma u tahay inaad bilowdo?
Isdiiwaangeli
Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*