Wadida Iska Joojintaada
Qof walba wuxuu leeyahay hab duwan oo uu isaga joojiyo, laakiinse waxaa jira hal shay oo ugu badnaan dadka oo dhan ay wadaagaan: iyagoo la kulmaya dhawr caqabadood inta ay wadaan iska joojinta. Oo caqabadahaasna? Wax dhibaato ah kama jirto. Haddii aad dib ugu laabato oo aad isticmaasho tubaakada ganacsiga adigoo ku jira iska joojintaada, waxa ugu muhiimsan ee aad sameyneyso waa inaad sii waddo isku dayida iska joojinta. Waa kuwan talooyin wax tar leh oo aad isticmaali karto si aad u wado iska joojintaada markii ay wadida iska joojinta ay adkaato.
Hel Habab Caafimaad leh oo lagula tacaali karo walbahaarka/Istereska
Dib uga fikir sababta aad u bilaawday isticmaalka tubaakada ganacsiga. Dadka badankood, waxay la xiriirtaa yareynta walbahaarka/istereska. Hasa ahaatee, hadda adiga oo ka shaqeynaya iska joojinta, waa wax muhiim ah in la helo habab kale oo lagu maareeyo walbahaarka adigoon isticmaalin tubaakada ganacsiga. Waa kuwan dhowr habab oo lagu bilaabo.
Sii wad isku dayida
Dadka oo dhan waxay leeyihiin hal shay oo ay wadaagaan: la kulanka dhawr caqabado inta ay wadaan iska joojinta. Sii wad isku dayida; dadka badankood waxay ku qaadataa dhowr isku dayid si ay isaga joojiyaan.
Niyadda Dhiso
Diiradda saar faa'iidooyinka iska joojinta iyo waxa aad heleyso halkii aad eegi laheed waxa aad iska dhaafeyso. Meel ku qoro kuwaas si aad naftaada u xusuusiso.
Raadso Caawimaad
La xiriir asxaabtaada iyo reerkaaga si aad ula wadaagto ujjeedooyinkaaga/yoolalkaaga – iyo halgankaaga. Waxay kugu caawini karaan inaad adkeysi ku jirto oo ku xasuusinayaan sababaha aad isga joojineyso. Ma aha inaad kali ahaan u wado.
Naso
Nasashada baryahan waxaa laga yaabaa inay noqoto wax adag haddii aad ka baxdo hawlaha aad caadi ahaan u samayso ama aadan awoodin inaad la kulanto asxaabta iyo reerkaaga si badan. Isku day inaad wax akhrido, taleefan kula hadasho, neefsasho qoto dheer qaadato, bannaanka u baxdo ama sameyso jimicsiga yoga-da.
Firfircooni Lahoow/dhaqdhaqaaqid Ku Jir
Waxaa laga yaabaa baryahan inaad ku sii jirto guriga, laakiinse taasi micnaheedu ma ahan inaad ahaato qof aan dhaqdhaqaaqin—isku day inaad socsocod u baxdo, baaskiilkaaga wado, ama aad ku sameyso jimicsi guriga. Samaynta wax kaa dhaqdhaqaajinaya waxay kaa caawineysaa inaad maskaxdaada dajiso oo waxay kuu fududaynaysaa inaad la tacaasho caqabadaha cusub. Ku bilow wax yar oo sii wad dhaqdhaqaaqa illaa aad ka dareento fiicnaan.
Jirkaaga shidaal Sii
Hel cuntooyinka saxda ah ee isku qasan—oo ay ku jiraan cuntada/macmacaanka aad jeceshahay—si ay naftaada u lahaato tamar buuxda. Iskuday cunto kala duwan si aad u hesho wax caafimaad iyo dhadhan fiican leh.
Ma ku Laabatay? Ha Is Dhiibin!
Haddii aad iska joojineyso oo aad hal mar qiiqiso ama qaadato, ha ka walwelin. Badanaa dadka oo dhan way ku laabtaan mar uun inta ay ku jiraan iska joojinta. Ha canaanan naftaada. Ka fikir waxa dhacay, oo sameyso qorshe aad ku sii wadid isticmaalid yar iyo ka sii yar ilaa ugu dambeyntii aad gaarto inaadan waxba isticmaalin.
Waa kuwaan waxyaabaha ay tahay inaad isha ku hayso markii aad ku laabato. Meel ku qorista jawaabahaaga su'aalahaa waxay kaa caawini doontaa inaad wax ka baratid naftaada iyo waxa aad u baahan tahay inaad sameyso si aad u sii wado iska joojinta.
Naftaada Abaalmarin Sii
Orodoo! Naftaada sii amaalmarin. Abaalmarinada ayaa ah furaha iska joojinta. Waxaad sameysan kartaa himilooyin iyo abaalmarino kuu gaar ah, laakiinse waa kuwan qaar tusaalooyin oo kaa caawinaya inaad fikirto.
Himilooyin
Hal maalin oo tubaakada ganacsiga la’aanteed
Laba toddobaad oo tubaakada ganacsiga la’aanteed
Cunida macmacaanka aad ugu jeceshahay
Abaalmarin
Shan maalmood oo isku xiga oo tubaakada ganacsiga la’aanteed
Wax Akhrin ama wakhti ciyaarid ciyaaraha fiidiyowga oo kaligaa ah
La wadida baaskiilka asxaabtaada
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?
Ama wac: 1-855-DEJELO-YA (335-3569) si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka:36072*
*Da'aha 13-24 jir