Talooyin iyo Taageer > Caawi Qof Inuu Iska Joojiyo

Sideed U Caawini Kartaa Qof Inuu Iska Joojiyo?

Waxaad rabtaa inaad ka caawiso saaxiib ama xubin qoyska ka mid ah inay iska joojiyaan taasna waa wax aad u wanaagsan. Laakiinse waa wax muhiim ah in la xasuusto dadku waxay u baahan yihiin inay isaga joojiyaan sababahooda u gaarka ah, wakhti kasta oo iyagu u habboon. Waa kuwan dhawr talooyin oo ah sida loogu gudbiyo macluumaad waxtar leh adoon u muuqan inaad ku qasbaysid.

Waxa Ay Tahay in La Ogaado

Waa hagaag. Waxaad taqaanaa qof raba inuu iska joojiyo iyo aad rabto inaad caawiso. Waa kuwan waxyaabo ay tahay inaad ogaato ka hor intaadan bilaabin:

  • Waa inay ahaataa doorashadooda.
  • Iska joojinta waa habsocod waxayna badanaa qaadataa iskuday badan.
  • Haddii qofka aad caawineyso uu mar kale isticmaalo tubaakada ganacsiga, niyadaadu ha dhisnaato, Ku dhiirigelinta isku dayidooda keliya waa hab aad u wanaagsan oo lagu dhiirigeliyo inay mar labaad isku dayaan.
  • Calaamadaha qabashada sida xanaaqa ama walwal yar waa wax aad caadi u ah.
  • Waa inaad la hadashaa qofka aad isku dayeyso inaad caawiso oo weydii sida ay jecel yihiin inaad u taageerto. Hubso inaad dhagaysato!

Waxa La Sameeyo

Miyaad leedahay saaxiib go'aansaday inuu iska joojiyo? Waa kuwan dhawr talooyin oo lagu caawiyo inta ay wadaan

  • U dabbaaldeg guul kasta ay gaaraan. Haddii ay tahay keliya isku dayida iska joojinta, ama ay tahay hal toddobaad/usbuuc, hal maalin, ama xitaa saacad ayagoon sigaar cabbin, ama aan cabin sigaarka elektroniga ama calaanjin tubaako—dhiirrigelinta waxay gaarsiin kartaa meel dheer.
  • Ku caawi ka fikirida abaalmarin marka ay gaaraan himilooyinkooda si ay dhiirigelinta wax sare u sii ahaato. Waxaad ku casuumi kartaa jalaato ama kafee, u samee jadwal aad ku wada wadaan baaskiil ama xitaa wada sameysaan socsocod.
  • Wac, farrin qoraal u dir ama imayl u dir saaxiibkaaga oo xusuusi inaad u joogto iyaga haddii ay kuu baahdaan. Xusuusnow inaad dhageysato sida ugu badan ee suuragalka ah si aad u fahanto halka ay marayaan.
  • U bandhig taageerid intaa ka sii badan haddii qofka aad jeceshahay uu ku laabto oo uu sigaar cabo, cabo sigaarka elektroniga ama uu qaato in yar oo ah tubaakada la calaanjiyo. Waa qayb caadi ah oo ka mid ah iska jooginta, waxaadna ku caawin kartaa yareynta inay dareemaan dembi adoo ah codka niyad dhisida.

Marabtaa inaad wax dheeraan ka barato sidaad u caawin kartid qoyska ama saaxiibada inta ay wadaan iska joojinta? Wac Quit Partner maanta. 1-800-QUIT-NOW (784-8669)

U sheeg qof wax ku saabsan Quit Partner

In badan ee sheekooyin iska joojinta ayaa ku lug leh taageerida asxaabta iyo qoyska. Iyo Quit Partner wuxuu halkan u joogaa caawimaad 24/7, sidoo kale. Adigoo adeegsada taageeradeena lacag la’aanta ah - la shaqaynaya tababare iska joojin iyo isticmaalaya dawooyinka iska joojinta ee lacag la’aanta ah—waxay laba jibaari kartaa fursadaha qofku uu leeyahay inuu si guul leh isaga joojiyo. Haddii aad taqaanid qof diyaar u ah inuu iska joojiyo, diyaar ayaan u nahay inaan caawinno.

Wadaag Quit Partner

Loogu talagalay waalidiinta

Miyaad tahay waalid ka walaacsan in ilmahooda dhalinyarada ah uu cabo sigaarka elektroniga ah ama isticmaalo walxaha kale ee tubaakada ganacsiga ah? Riix badhanka hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Booqo Ilaha Waalidka (opens new window)

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Isdiiwaangeli (opens new window)

Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*

*Da'aha 13-24 jir