Talooyin iyo Taageer > Xaqiiqada Ku Saabsan Menthol-ka

Mentholka Si Xun Ayuu Wax u Gaarsiiyaa Bulshooyinka Minnesota

Oo Sidee Bay Quit Partner Kuu Caawin Kartaa

Haddii aad sigaarka mentholka cabto, waxay u badan tahay in dareenka qaboojinta, marka lagu daro nikotiinka, uu yahay waxa marka hore ku soo jiitay. Taasi waxay ahayd marka hore qorshaha Shirkada Tobaakada. Waxaana aad suurtagal u ah inaad xubin ka tahay bulshooyinka Mareykanka Afrikaanka ah, Hindida Mareykanka iyo/ama bulshada LGBTQ +, sababtoo ah Shirkadaha Tubaakada waxay u bartilmaameedsadeen xayeysiintooda meelaha aad ku nooshahay, ka shaqeyso oo aad ku cayaarto si aad ugu hayso maskaxda mentholka.

Waxaan bixinaa taageero lacag la’aan ah iyo ilo kaa caawin kara inaad isaga joojiso hab ku habboon baahiyadaada. Xaqiiqdii, hadda markaad isku dayeyso inaad joojiso menthols iyadoo ay ku caawinayaan tababbarayasha Quit Partner, waxaad xaq u yeelan kartaa kaar hadiyad ah. Kaliya wac 1-800-QUIT-NOW si aad waxbadan u barato.

74% ee dadka waaweyn ee Afrikaanka Mareykanka ah ee sigaarka caba waxay isticmaalaan sigaarka mentholka haddii la barbardhigo 25% ee dadka waaweyn guud ahaan.1

In kabadan 1 qof ee 3-dii qofba ee dadka LGBT ah ee sigaarka caba waxay isticmaalaan sigaarka mentholka.2

Mentholka waxaa si aad ah looga suuq gareeyaa xaafadaha isirada/jinsiyadaha iyo qowmiyadaha isku jirka ah, dakhligoodu-hooseeyo.3

Minnesota gudaheeda, 30% ee Hindida Mareykanka oo sigaarka caba waxay isticmaalaan sigaarka mentholka.4

Way Adagtahay In La Iska Joojiyo, Laakiin Waxaan Halkan U Joognaa Caawimaad

  • Xog Uruurin Minnesota5 laga sameeyay oo Mareykanka Afrikaanka ee caba sigaarka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday:
    • Ku dhawaad kalabar (44%) waxay u maleynayaan in menthols-ka ay waxyeeladooda ka yar yihiin kuwa kale, mana aha.6
    • o Ku dhawaad seddex qof ee afartii qof (72%) waxay yiraahdaan mentholka ayaa sii adkeenaya iska joojinta. Haddii aad cabtay sigaarka mentholka, waxaa laga yaabaa inaad ku raacdo.
  • Anagoo ah Quit Partner, waan fahamsanahay sida ay u adkaan karto in la iska dhaafo mentholka, Waxaan halkaan la joognaa caawimaad lacag la’aan ah si aad isaga joojiso habkaaga iyadoo la isticmaalaya taageer isku dar ah oo sax ah oo laba jibaari kara fursadahaaga iska joojinta si kama dambeys ah.

Halkan waxaa ah sabab kale oo aad noo soo wacayso: markii aad isku dayayso inaad joojiso menthols iyadoo ay kaa caawinayaan tababarayaasha Quit Partner, hadda waxaad xaq u yeelan kartaa kaarka hadiyadda. Kaliya wac 1-800-QUIT-NOW si aad waxbadan u barato.

1 Minnesota Department of Health. Menthol-Flavored Tobacco Products (opens new window) Retrieved July 29, 2020.
2 National Library of Medicine. Menthol cigarette smoking among lesbian, gay, bisexual, and transgender adults (opens new window) Retrieved July 29, 2020.
3 National Center for Biotechnology Information. A Systematic Review of Neighborhood Disparities in Point-of-Sale Tobacco Marketing (opens new window) Retrieved July 29, 2020.
4 ClearWay, Minnesota. Tribal Tobacco Use Project Survey Report 2013. Retrieved July 29, 2020.
5 Minnesota Department of Health. 2015 Menthol Cigarette Intervention Grant (opens new window) Retrieved July 29, 2020.
6 Centers for Disease Control and Prevention. Menthol and Cigarettes (opens new window) Retrieved July 29, 2020.

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Isdiiwaangeli (opens new window)

Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*

*Da'aha 13-24 jir