Xirfadlayaasha > Wax-Barayaasha

Iska Joojinta Waa
Go'aan Caqli leh

Meel hore ku gaarsii guushooda
barnaamijka My Life, My Quit™

Ardayda waxay wakhtigooda badan kiisa ku qaataan dugsiga. Taasi waa sababta ay u tahay meesha ugu fiican ee lagu bilaabo ka caawintooda iska joojinta cabista sigaarka elektrooniga ama isticmaalka walxaha kale ee tubaakada ganacsiga. Laga soo bilaabo ka dhigida dugsiga goob aan sigaar cabida laga oggoleen illaa iyo ku xiriirintooda barnaamijyada lacag la’aanta ah, ee qarsoodiga ah sida Noloshayda, Iska Joojinteyda (My Life, My Quit), waxaad awoodaa inaad u doodo oo tallaabo qaado maanta.

Qaad Talaabooyin Si Aad U Joojiso

Soo jiidasha saaxiibada, dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda iyo culeyska/istereska/walbahaarka waxbarashada waa dhowr ka mid ah sababaha ku kordhinaya isticmaalka dhalinyarada tubaakada ganacsiga ah iyo cabista sigaarka elektrooniga ah. Ka shaqee xoojinta siyaasada tubaakada ee dugsiga ee hadda jirta, oo tixgali adeegsiga boorar meelaha lagu dhajiyo, manhajka, hagaha ilaha waalidiinta iyo warbaahinta bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta ku saabsan waxyeelada nikotiinka, gaar ahaan maskaxda weli koreysa.

Soo Dejiso Xirmaheena-qalbyadaeena (opens new window)

Waxbar Oo Isku Xir Ardayda Si Ay U Caawiyaan

Cabista sigaarka elektrooniga ah ee ardayda wuxuu meel sare ugu kacay heer naxdin leh, oo dhallinyaro badan waxay rumeysan yihiin inaysan waxyeelo u lahayn sida sigaar cabista ama walxaha kale ee tubaakada. Adiga oo siinaya xaqiiqooyinka oo ku xiraya Noloshayda, Iska Joojinteyda (My Life, My Quit), waxaad ka caawin kartaa inay qaataan tallaabada ugu horaysa ee saxda ah. Ku soo gudbi ardayga web-ka ama fakiska, oo My Life, My Quit ayaa la xiriiri doona 24 saacadood gudahood. Dhalinyaro kasta oo ka diiwaangashan My Life, My Quit (Noloshayda, Iska Joojinteyda) wuxuu heli karaa taageero ah fariin qoraal, taleefoon iyo online oo qarsoodi ah oo lacag la’aan ah.

Samee Soo Gudbin Web-ka ah (opens new window)

Noqo Isha Aqoonta—oo Caawi

Ardaydaada waxay kuu arkaan in laeg inta ay arkaan waalidkooda, waxaana laga yaabaa inay diyaar u yihiin inay kaa dhagaystaan waxyaalaha ku saabsan saameynta ay caafimaadka ku leedahay cabista sigaarka elektrooniga, sigaar cabista iyo isticmaalka walxaha kale ee tubaakada ganacsiga. Fiiri hababkan si aad ugu darto wacyigalinta iyo waxbarashada nikotiinka [ama tubaakada ganacsiga] manhajkaaga oo aad la wadaagto macluumaadka ku saabsan My Life, My Quit (Noloshayda, Iska Joojinteyda), barnaamij gebi ahaanba lacag la’aan ah oo qarsoodi ah oo loo sameeyay dhalinyarada keliya.

Sida Loo Caawiyo Ardayda (opens new window)