Waad Awoodaa inaad Caawiso. Anagana Sidoo Kale Waan Awoodnaa.
Siyaabooyin Fudud oo Lagu Soo Gudbiyo Bukaanada
Ku caawi bukaanadaada inay bilaabaan wadada iska joojintooda adigoo keliya u gudbinaya barnaamijkeena iska-joojinta lacag la’aanta. Waxay heli doonaan tageero ah tababarid qof-iyo- qof ah iyo imayl iyo fariin qoraal ah, iyo sidoo kale dawooyinka iska joojinta (sharootada, xanjada ama nacnaca lozenges-yada nikotiinka) oo loogu keeno albaabka gurigooda.

Sida Ay U Shaqeyso
Way fududahay in lagu soo gudbiyo bukaannada websayd ama fakis ahaan. Markaad sameyso soo gudbin, waxaan la xiriiri doonnaa bukaankaaga 24 saacadood gudahood. Waxaan qiimeyn doonnaa u-qalmitaanka qofka waxaanan ku xiridoonnaa bixiyaha adeegga saxda ah.

Sida Loogala Hadlo Bukaanada Iska Joojinta
Isagoo go'aanka iska joojinta uu yahay mid shaqsiyeed, waad ogeysiin kartaa bukaanada inaad ka welwelsan tahay sida isticmaalka sigaarka ganacsiga uu u saameenayo caafimaadkooda hadda ah iyo muddo dheer oo soo socota. La wadaag sida barnaamijka Quit Partner ee lacag la’aanta ah uu uga caawin karo qaadashada tallaabada xigta. Haddii ay diyaar u yihiin inay bilaabaan, Soo gudbi.

COVID-19 iyo Tubaakada Ganacsiga
Dadka sigaarka caba ama caba sigaarka elektroniga ah waxay yeelan karaan halis sare oo ah inay dhibaatooyin daran ka qaadaan COVID-19. Ogeysii bukaanadaada in iska joojinta sigaarka ay ku hagaajiso caafimaadka sambabada ugu yaraan laba toddobaad gudahood. Haddii ay diyaar u yihiin inay iska joojiyaan, waxaan u joognaa inaan caawinno.