Talo iyo Taageero > U Diyaar Garowga

Hel Sababtaada ah Inaad Iska Joojiso

Waxaa laga yaabaa inay jiraan dad yar oo kuu sheega sababta ay tahay inaad iska joojiso nikotiinka, oo waan fahamsanahay inaysan taasi had iyo jeer caawinaad kuu lahayn. Dadka hela sababahooda u gaarka ah ayaa u badan inay ku guleystaan inay isaga joojiyaan si ka dambeys ah. Waxaan halkaan u joognaa inaan kugu caawino inaad hesho sababtaada.

Hal hab oo wanaagsan oo lagu bilaabo waa adiga oo ka fekeraya waxa aad ka heli doontid iska joojinta. Eeg tusaalooyinka hoos ku qoran, ka dibna ka fikir sababahaaga. Talo Xirfadle: meel ku qoro si aad naftaada u dhiirrigeliso!

Sababaha badanaa la isaga Joojiyo

  • Wanaajinta Caafimaadka ee naftaada iyo qoyskaaga
  • Tamar sii badan
  • Lacag dheeraad ah
  • Dhadhankaaga cuntada oo fiicnaado
  • [Sababtaada halkan ku qor]

Ja-jiin! Iska joojinta waxay ku reebi lacag boorsadaada/jeebkaaga

Keydinta lacagta waa sabab weyn oo dad badan ay ku go'aansadaan inay iska joojiyaan. Immisa ayaad runtii keydin haddii aad iska joojiso? Isticmaal xisaabiyaha kaydinta si aad u ogaato.

Xisaabi Lacagta aad Keydisay

Faa’iidooyinka waxay bilaabmayaan daqiiqado kadib markaad iska joojiso

Isbeddellada waxay ku dhacayaan jirkaaga daqiiqado ka dib markaad bilaawdo iska joojinta. Riix jadwalka wakhtiyada si aad wax uga ogaatid faa'iidooyinka aad ku dareemi doontid iska joojintaada.

Sida loo Sameysto Qorshe Iska Joojin

Samaysashada qorshe waxay kaa caawineysaa inaad diyaar noqoto ka hor iyo inta lagu jiro iska joojintaada. Adigoo wata qorshe, waxaad horeyba u haysan doontaa fikrado ku saabsan sida aad uga gudbi laheed caqabadaha kaa hor imaan kara inta aad ku jirto iska joojinta.

  • Dooro taariikhda iska joojinta – waa sida adigoo naftaada u ballan qaadi.
  • Ka fikir noocyada taageeridda ee aad u baahan karto. U sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada inaad qorsheynaysid inaad iska joojisid sigaar cabida oo aad weydiisatid inay ku taageeraan.
  • Ka fikir xaaladaha kuu horseedaaya inaad isticmaasho nikotiinka oo naftaada weydii sida aad u beddeli karto ama uga fogaan karto. Markaad dareento qabashada sigaar cabida, wax kale samee. Damaca/qabasha way ku dhaafi doontaa.
  • Laba jibaar fursadahaaga ee iska joojinta adigoo lahadlaya tababaraha iska joojinta isla markaana isku day inaad isticmaasho sharooto nikotiinka, xanjo ama lozenges-yada.

Akhri Sheekooyinka Iska Joojinta

Hel Habkaaga Iska Joojinta

Ka dib marka aad hesho waxa aad kuu dhiirrigeliya, waxaa wax caawin kuu ah inaad ka fekerto sida aad u rabto inaad iska joojiso. Waxaan kaa caawini karnaa inaad hesho hab iska joojin ee adiga kuu shaqeeya. Iyo iyadoo la socota taageerid, waxaad laba jibaari kartaa fursadahaaga iska joojinta. Mar kasta oo aad diyaar tahay, halkan waxaan u joognaa caawimaad.

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Isdiiwaangeli

Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.